Dowlada Hoose Ee Xamar Oo Digniin U Dirtay Lo’leeyda Muqdisho
muqdisho ( mareeg News ) wareegto kasoo baxday xafiiska dowlada hoose ee xamar ayaa digniin loogu diriyay bulshada gobolka banaadir ee dhaqata lo’da , wareegtadan oo ay ku saxiixnaayeen talisyada ciidamada iyo maamulka gobolka banaadir ayaa lagu digay dadka leh lo’da ineey wadooyinka caasimada kusoo dayaan.
inta badan wadooyinka wadnaha sodonka iyo tan maka al mukarama ayaa lagu arkaa lo’ farabadan taas oo wasaqeeysa wadooyinkan.
horay maamulka waxuu burburiyay dhismooyinka ku dhinac dhisan wada maka al mukarama oo ay ku sheegeen ineey bilicda caasimada xumeeynayeen.
Comments are closed.