Dowlada Federalka Oo La wereegeysa Isbitaalada Muqdisho (Sabab ? )

Read Time:46 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan la wareegeyso Isbitaallada ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, si loo hubiyo, ayey tiri, tayada caafimaada ee dalka.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ugu yaraan kula wareegeyso laba isbitaal oo ku yaalla Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in kaliya muhiimada ay aheyd in la ansixiyo Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si fowdada ay u yaraato, sidoo kalena ay dowladda awood u leedahay inay la wareegto maamulka Isbitaalada qaar ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Isbitaallada waan la wareegeynaa si tartiib tartiib ah, waana rajeyneynaa, waxa ay noqon doontaa in dadka Soomaaliyeed ay adeeg tayo leh oo caafimaad ka helaan dalka gudihiisa ayay tiri Fowsiya Abiikar Nuur.

Ilaa hada wax hadal ah kama soo yeerin Milkii layaasha isbitaalada Gaarka ah iyo Maal giliyaasha Gacanta ku haaya isbitaalada hada ka jira Caasimada.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %