Dowlada Ethiopia oo xaalad deg-deg ah ku dhowaaqday

Read Time:47 Second

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday Lix bilood oo xaalad degdeg ah kadib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo kuwaasoo ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya.

 

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen November-tii kal hore iyadoo dadka banaanbaxayay ay diidanaayeen in dhulka ay leeyihiin qowmiyada Oromiya oo ah qowmiyada ugu badan dalka Ethiopia ay dowlada la wareegto.

 

Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

 

Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka amaanka inay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.

 

Wasiirka warfaafinta ayaa  sheegay inay ka shaqaynayaan faahfaahinta xaaladda degdegta ah ee dalka lagu soo rogay. Xigasho Jowhar.com

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %