Dowlad Goboleedyada Oo Jawaab Adag kabixiyay Hadalka Farmaajo

Read Time:1 Minute, 3 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Kadib Markii madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada Jubba ee dalka Sudan ka sheegay in dowlad goboleedyada ay faragelin ku hayaan siyaasadda arrimaha dibadda ayna doonayaan inay siyaasada ku lug yeeshaan ayaa arintaasi waxaa ka jawaabay dowlad goboleedyada.

Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada Cabdullaahi Sheikh Xasan oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku ixtiraamaan siyaasadda arrimaha dibadda.

Afhayeenka, ayaa cadeeyay in dowlad goboleedyada kaliya arrimaha dhismayaasha waddooyinka iyo horumarinta deegaanadooda kala hadli karaan dowladaha caalamka ee doonaya inay dhisaan deegaanada dowlad goboleedyada.

Balse wuxuu sheegay inaysan jirin haddana dhaceynin in dowlad goboleedyada masiirka ummada Soomaaliyeed ay kala hadlaan madaxda caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

“Siyaasadda arrimaha dibadda sida dastuurka noogu qoran, nafteeda waxay u baahan tahay inaan isla fahano, Laakiinse waxaan jirin wax ogolaanaya arrimaha dibadda dal kale in lagala hadlo maamul goboleed, horana uma dhicin haddana ma dhaceyso”.

“Haddii loola jeedo Gargaarka, Horumarinta, dhismayaasha waddooyinka, Caafimaadka waxyaabahaasi oo kale wey dhici karaan in dowlad goboleedyada loo dhiso, laakiin wax shacabka Soomaaliyeed guud ahaan quseeyo dowlad goboleed lagalama hadli karo” ayuu yiri Cabdullaahi Sheikh Xasan.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa xoogeystay waxii ka dambeeyay markii aad lasoo xerxeray dhaqdhaqaaqii dibadda ee ay sameyn jireen madaxda dowlad goboleedyada.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %