Dowlad Goboleedkii Saddexaad oo ka horyimid Sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlad Goboleedkii Saddexaad oo ka horyimid Sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey

Maamulka Jubbaland ayaa noqday Dowlad goboleedkii saddexaad ee kasoo horjeesta Sharciga doorashooyinka oo khamiistii shalay aheyd ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Horay waxaa uga horyimid,isla markaana Sharcidarro ku tilmaamay ansixintaas maamulada Puntland iyo Galmudug,waxaana haatan kusoo biirey Maamulka Jubbaland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in sharcigaas aan lagala tashan anisixintiisa Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS,isla markaana uu yahay mid waddo sharcidarro ah loo maray.

Jubbaland ayaa sidoo kale War-Saxaafadeedka ku sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn go’aan kasta oo la gaaro oo kasoo horjeeda Dastuurka dalka,waxaana Beesha Caalamka ay ka dalbadeen in aysan aqbaleyn go’aano ku tagrifal awoodeed ah oo ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!