Mareeg Media
Somalia

Dowlad goboleedka Puntland oo ku wareejisay Dowlada Federalka 2,400 oo askari

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku wareejisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya askar gaareysa 2,400, kuwaasi oo hore ugaga tirsanaa ciidamada Puntland ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya heshiis madaxda qaranka iyo maamul goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho, heshiiskaasi oo ahaa in ciidamada la isku dhafo maamul walbana uu keeno 3000 oo askari.

Xafladda wareejinta ciidanka oo ka dhacday xerada 54-aad ee magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo saraakiil ka kala socotay Puntland iyo dowlada Federalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen 2, 400 oo askari oo hore uga tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaasi oo ka mid noqon doona ciidan xoogga Qaranka Soomaaliyeed,waxana uu xusay in laga bilaabo maanta ay ciidamadaa xuquuq ay ku leeyihiin dowlada federalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa noqonayaa kuwii ugu horeeyay ee Maamul goboleed ku soo wareejiyo dowlada federalka waxaana la filayaa in sidoo kale dowlad goboleedyada kale ee ka jira dalka ay ku wareejiyaan dowlada federalka ciidamada laga doonayay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!