Dowlad Goboleedka Galmudug "waxaa socda dagaallo abaabulan oo sadex geesood" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlad Goboleedka Galmudug “waxaa socda dagaallo abaabulan oo sadex geesood”

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa in dagaallo abaabulan oo sadex geesood ah oo kakala soconaya deegaanada Gaalkacyo, Miracowleed iyo Godinlabe ee kakala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Dagaaladaas abaabulan waxaa nagu soo qaaday oo isku bahaysanaya Maamulka Puntland iyo kooxda Sufo, ujeedaduna ay tahay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida dadka iyo deegaanka Galmudug, dagaaladaas waxay kusoo aadayaan iyadoo ay si habsami leh dadka ree Galmudug ay ugu hawlan yihiin hirgalinta hannaanka Doorashooyinka Qaran.Puntland-army-chief
Waxaa shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka usheegeynaa in Dowlad Goboleedka Galmudug ay tahay maamul nabadeed muddo dheerna baadi goobayey nabad iyo dib uheshiisiin dhexmarta Maamulka Puntland iyo kooxda Sufo, si deegaanku unoqdo mid kunoolaada nabad, xasilooni iyo daris wanaag, laakiin waxaa ayaan darro ah in Dowlad Goboleedka Galmudug aan laga hoos qaadin wanaagga ay markasta muujinayaan, dhinacyadaasna ay dhagaha ka fureysteen baaqyada nabadeed ee Galmudug had iyo jeer soo jeedinayso.
Hadaba, waxaan kubaaqeynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaadahaas qaawan ee ay wadaan maamulka Puntland iyo kooxda Sufo, shacabka walaaha ahna laga daayo dhibaatada iyo barakaca.
Dhammaad

Wixii Faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Md. Maxamuud Aadan CusmaAN
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska
Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya
E-mail:mesagaway2@gmail.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!