Dowlad Goboleed Shisheeye ku Daaban! Ra'ayi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlad Goboleed Shisheeye ku Daaban! Ra’ayi

Billowga Fadqallalada Federaalka.

 

Waxaa la yidhi nin waalan oo dhimirka wax ka qaba, ayaa carruurtiisii iyo Ooridiisii dhibaabe iyo dhaawac gaadhsiiyey, markaasaa dadkii xigaalka u ahaa calaacal la hor fadhiisteen, isagoo geed ku xidhan, “Haddaba sideen yeelnaa, waa kaas carruurtii kow ka siiyaye?” Ninkii waalnaa ayaa intuu qoslay yidhi: “Haddaan waalnahay reerkase leeyahay sidee lay geli?.” Waa sina  oo isagaa reerka leh, ubadkuna waa kiisii Ooriduna waa tiisi, “ Xabaal iyo ninkeed loo kala tag” Soomaalidaa ka dhigan, dalka iyo dadkay gubayaan waa koodii, waxay dhibayaan waa dhallaankoodii iyo haweenkoodii, waxay kala gooynayaan waa dhulkoodii, haddana iyaguunbaa is huran, “ Isma hurtoow hays halayn”

 

Dhibka ma cid kalaa inagu haysa  mise inaga ?

 

Waxaan ula jeedaa, umadda Soomaaliyeed iyadaa dhibta isku haysa, iyadaana kala qaybsan, haddana, waxay leedahay, dad kale ayaa i dhibay! Waa hubaal, inuu jiro cadow Soomaaliyeed, oo dhibka sii hurinaya, hase yeeshee, waa loo sahlay hurinta,  nin ku dilaya oo dabin awalba kuu dhiganayey, haddaad tidhaahdo sida wax loo dilo igu baro, saw kaaga dhabayn mayo?.

Hore ayaan dhawr qormo uga qorey arrimaha Federaalka, dadka qaarbaaba u yaqaan magaca Federaalka inay iyagu leeyihiin, oo haddii wax laga qoro ama la faaqido, la falanqeeyo, wax la iska weydiiyo, tusmo iyo laga baxsho tilmaam guud durbadiiba dareen gaar ahi galayaa. Horta magacu ma Af Soomaalibaa? Maya, ee waa Af qalaad, oo haddaa ma qorshe aan keensannaybaa? Maya, ee waa na loo meershay, oo ma danbaa  inoogu jirta mise waa la yiri baynu ku qaadannay? Mayee, dunida ayaa dalal badan lagaga dhaqmaa! Hayaay!

 

Magacee baa Soomaaliya loo yaqaan maanta?

 

Markii aan qaadannay Gobonnimada 1960kii waxaa magaca dalkeennu ahaa, Jamhuuriyadda Soomaaliya, markii uu qabsaday dalka Kacaankii luggooyo 1969kii waxay hirgalsheen, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, Markuu baxay Kacaankii ee dowladdii dhexe jabhaduhu rideenna 1991kii waxaynu dib ugu noqoney Jamhuuriyadda Soomaaliya, muddo ka dib markii laynoo keenay arrinka Federalka 2004tii waxaynu la baxnay magacan Jaan ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, oo aan sida uu u qeexay Bashiir Maxamed Xersi ah, Macne iyo ujeeddo ahaanba, “Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed” haddaba, sida inoo muuqata ma jiro magac rasmi ah oo dalkeennu leeyahay ama lahaan jirey, sidoo kale, ma jirto astaan ama summad u gaar ah oo uu leeyahay layskuna raacsan yahay. Hays odhan ninkani muxuu beenta u sheegayaa ee aan bal kuu qeexo.

 

Soomaaliya ma leedahay Astaan u gaar ah?

 

Dal walba oo dunida ka mid ah, wuxuu leeyahay,  Calan, Summad ama Astaan u gaar ah, Lacag u gaar ah, magac u gaar ah, Xuduud u gaar ah, dastuur u gaar ah. Way jiraan dad isku af ah oo kala dowlad ah, dal kala af ah oo isku dowlad ah, Dad isku midab ah oo kala dowlad ah, dad kala midab ah oo isku dowlad ah, dad isku dhaqan ah oo kala dowlad ah, dad kala dhaqan ah oo isku dowlad ah, dad isku diin ah oo kala dowlad ah, dad kala diin ah oo isku dowlad ah. Arrimaha hore waa lama huraan dalku inuu gaar u yeesho, waxaa kale oo lama huraan ah inuu xeerarka guud ee dunida qaarna la wadaago qaarna iska diido, kuwa dambe waa hadba intii isku oollina ee Alle meel ku wada beeray ayaa isku dowlad iyo shacab ah, haddaba waa kuma ninka maanta ii sheegi kara Calan keliya oo gaar ah oo Soomaaliya ka dhaxeeya, oo ay isku raacsan tahay, oo wada aaminsan tahayna? Ma jiraa Dastuur qudha oo ka dhaxeeya? Ma jiraa Astaan mideysa oo ka dhaxaysa, mase jirtaa lacag Soomaaliyeed oo shaqaysa oo dalka guud ahaan laga adeegsado? Anigu maya, bal adiguna aqriste, maxaad ka odhan lahayd?.

 

Federaalka iyo Fahamka aynu ka qabno.

 

Marka aad xuuraanto dadweynaha ama aad si fiican ugu dhabbo gasho, aaraa’da iyo aragtiyada bulshadu ka qabto Federaalka, ayaa Cirroole iyo Carruur, waxaa laguugu koobayaa, waxaa laga keenay Kenya 2004tii Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf,  qaarkoodna waxay ku odhanayaan qorshan waxaa keentey Dowladda Itoobiya oo kaashanaysa Galbeedka doonaysana inaysan awood Soomaaliyeed oo dambe la maqal,  iyadaana dhammaan Maamul Goboleedyada iyo magacaba hindistey, qaar kalena waxay ku odhanayaan waa sida keliya ee lagu kala badbaadi karo, “Haani guntay ka tolantaaye waa in qolo weliba” Qabiil weliba” Dowlad gaar ah noqdo” magacu inaga dhaxeeya, manfacu inoo kala soocnaado, Mabda’eenu kala duwanaado, Muruqeenuna kala miliqsanaado.

Haddaba, imisa dowladood ayaa burbur ka dhacay, Bal eeg, Burundi, Ruwaanda, Sirileone, Ciraaq, Afganistaan, Liibiya, ma jiro ilaa hadda dal leh calaamadaha dalkeenu leeyahay ama kala tagay oo u qaybsamay 100 kooxood oo kala mabda’a.

Waxaa maanta oogan dab iyo sawaxan qaylodhaan laga digayo, Colaado dhex mara, deegaammo kala duwan oo aan lahayn sharci iyo xeer kala saara, adduunka wax walba intaan la samayn ayaa la sameeyaa xalka hadduu hallaabo lagu haggaajinayo, arrin iyo alaaboba. Bal waa tane,  Jamhuuriyada Danwadaagta Beelaha Soomaaliyeed laysku raacye, dadkase, Ceel iyo Carroba uma kala soocna oo waa isla deggan yihiin, wuxuuna Dastuurka Beelaha Soomaaliyeed dhigayaa Beel weliba inay dowlad tahaye yaa xad, xeer iyo xukun u kala samaynayaa?.

Shabeellada Hoose ayaa waxaa maanta ay yeelatay Saddex Dowladood, oo midina Fadhido Afgooye, Labana Baydhabo fadhiyaan,  Jubbooyinka iyo Gedo ayaa leh Laba Dowladood, Sanaag iyo Sool ayaa leh Laba dowladood, Mudug ayaa leh Laba Dowladood, Galguduud ayaa leh Laba Dowladood,  Dowladdii Danwadaagta Beeluhuna waa joogtaa, oo xaggeey xukuntaa, afarta Degmo ee xamar iyo intii Alshabaab ka taliso ayay xukuntaa haddii Shabaab laga xoreeyo Dowladdana waa laga xoreeyey, oo waaba cole maxaa dowladda Beelaha Soomaaliyeed Shabaabka daba dhigay? Bal adba?.

 

Fari kama qodna Faanoole iyo Fitnada Federaalka.

 

Waxaa hubaal ah in Gobollada la wada deggan yahay, ama isku hayb ha la noqdo ama kala hayb ha la noqdee. Haddii Beelo wax lagu kala soocdo, Daaqsin iyo deegaan, Ceel iyo Oollin, maxaa ka dhaxeeya umadda Soomaaliyeed? Waxaa hore umadda Soomaaliyeed u dhex marey dagaal siyaasadeed huwan magac qabiil kuna salaysnaa awooda iyo qaab maamul in qolo weliba kuwa kale hoos yimaadaan, lagu heshiin waa, dani waxay keentey, “ Isku daalnaye maxaa inoo dan ah?” hadba wixii qol laysugu geeyo waxay oggolaadeen inay wax loogu yeedhay 4.5 wax ku qaybsadaan, ma dhabbaa inay Soomaalidu tahay afar Beelood iyo badh? Mayee, maaha, oo haddaa ma dhabbaa inay afarta Beelood tiro iyo tarranba is la eg yihiin? Maya,  oo yaa tiriyey oo ogaadey inay is la eg yihiin, afarta kale haddey Odayo iyo Oollin isku raaceen, Badhku ma dhabbaa waad yar tihiin ayaa isku beel ka dhigtay? La yaab! Dadka la yidhi waxaad tihiin badh ninna wuxuu joogaa Lawyacaddo ninna wuxuu joogaa Luuqa Ganaane, oo dadka 18ka Gobol ee Soomaaliya deggan sidee looga batey oo dad  2 Gobol deggan uga bateen? Waa su’aal u baahan is weydiin iyo in laga warcelsho, haddii xal la doonayo, haddii kale dulunka dabada ha la sii hayo.  Dadkeenna ma jirto meel ay heshiis ku kala qorteen dantaa isku soo celisay welina ciifo iyo ciil bay isu qabaan qaarkood.

Haddaba, haddii dagaalkii hore ku salaysnaa Siyaasad iyo kala awood badsi iyo sedbursasho, kan hadda loo xaydxaydanayaa wuxuu ku salaysan yahay, Dhul iyo Deegaan, oo ma lagu kala adkaanaya? Haa, waxaa dhacaysa in qoladii dhulka laga qabsado aysan mar dambe sheegan doonin awoodna loogala wareegi doono deegaan umaddi ku dhaqnaydna qolo kale xaaraan iyo xaqdarro ku qabsan doonto. ma danbaa ku jirta arrintaa? “Maya, ee waa Fitnadda Federaalka!

 

Federaalku ma dhul kala qaad iyo Qoqobsibaa, Mise waa Maamul wadaag?

 

Adduunka waxaa ka jira waddamo badan oo Federaal ah, haba ugu horreeyaan kuwa deriskeena ah, oo Itoobiya  shanteeda qaybood waxaa loo kala degan yahay Qowmiyado, haddana, Qowmiyad kasta iyada oo maamul hoosaadkeeda leh iyo madaxdeeda, waxay si toos ah uga amar qaadataa dowladda dhexe, waxaa ka dhaxaysa, Lacagta, Ciidanka, Calanka, Dastuurka, Baarlamaanka, Dowladda dhexe iyo dhammaan wixii dad wadaago, oo maxaa u kala soocan? Dowladaha Hoose ayaa u kala soocan, qofkuna deegaan kasta waa u xor oo waa dalkiisa cid u diidaysaa ma jirto, mana jirto qowmiyad ku haysata Qowmiyad kale Gobol iyo degmo, oo haddaa maxaa Federaalka Soomaalida waalay?.

Dowladaha Caalamka ee nidaamkan haysta bal halkan ka eeg xitaa Soomaalidu waa ku jirtaa waxaana lagu qeexay inay tahay  18 state, oo haddaa maxaa keenay waxyaabaha hadda socda?.

Soomaalidu ma aysan qaadan Nidaam Federaal ah, ee waxay qaadatey Nidaam Fawdo iyo fadqalallo ah, waxay qaadatey Nidaam dhimaal iyo dhibaato u horseedi kara mar kale, Colaadaha Sokeeye ee magacyada iyo ujeeddooyinka badnaa.

Haddii dani noogu jirto waxaynu qaadan lahayn laba midkood oo ku salaysan deegaan iyo oodwadaag, dhibna kama yimaadeen, in wax lagu qaybsado iyada oo sidii loo wada deganaa awal horreba loo deggan yahay, waxayna kala yihiin:

 

  1. 8 Gobole ee Soomaaliyi ahayd dowladdii Kacaanka ka hor, Maamul goboleedna loogu yeedho, magaca Madaxweynena meesha laga saaro, Gobollada cusubna lagu daabo Gobolladay awalba hoos tegi jireen.
  2.  In 18kii Gobol lagu qaabeeyo oo Dowladda dhexe hoggaanka u hayso dhammaan waaxaha Gobollada marka laga reebo, Golaha deegaanka iyo dowladda hoose oo ay dadka Shacabka ahi soo doortaan.

Labadan qaab ayaa sahli lahaa in la helo, Xuduudaha Gobollada iyo degmooyinka diiwaan gashan iyo waxii dowladda jirtaa dib ka magacoowdo ee sifo sharciya ku yimaad.

 

Haddase qaabkan waa mid ku salaysan Beelnimo iyo inay Jufo weliba samaysato, Dastuur, Calan, Madaxweyne oo ay markaas ama ku duusho ama qabsato deegaan Beel kale halkaasna muran iyo dagaal ka billowdo.

 

Is qabsataye yaa kala qaban doona?

 

Sanadkan 2014 dunidda isu soo guureyso guud ahaan, ayaa Soomaali kala guurtey geedi dheer oo weliba guluf iyo gaade la socdo, waxaa geyigii Soomaaliyeed ka hugmaya oo ka higle colaad ku salaysan  dal kala riixasho, haddaan hadda ilaahay Ur u bixin oo xasilooni alle waa awoodaa ku soo dabaalin, waxaa soo bidhaamayo ifafaalo iyo Odoros  Colaadeed oo dib uga billowda geyiga Soomaaliyeed.

 

Waxaan hore uga hore uga qorey 2010, Qormo aan ugu magac darey, “Maamul goboleeyadu ma guul la gaadhaybaa mise waa geeri hor leh?” sidoo kale waxaan qorey 2012 qormo aan ugu magac darey, “Fitnada Federaalka”.

Maalintaa ilaa iyo hadda waxaan intaasba ka digayey in dhibaato hor leh loo horseedo geyiga iyo umadda Soomaaliyeed, in damac xume nala diir ah uu nagu hoggaamiye dano shisheeye, in dagaal sokeeye oo deegaan ku salaysan dib u dillaaco, waxaase la yaab leh inay umadda Soomaaliyeed, dabkay ku dhici lahayd iyadu hurinayso, waxaan ku soo Af jarayaa qormadeyda, Gabay aan isla ujeedkan ka tiriyey sanadkii tegay ee 2013kii, oo la yidhaahdo, “Daryeel Shacab

 

 

 

1. 51.            Dakanadiyo dhiiladii horiyo, Dirirtaan soo dhaafnay

2. 52.            Dura waxii la soo maray dad, Weli doonayaa jira e

3. 53.            Darsi umaysan noqon  daanadiyo ,Duulankii hore

4. 54.            Dambiyadii Shalay doonayaan, Door labaad kale

5. 55.            Diin ruux ka been sheegaya,Damac hubaalaysan

6. 56.            Isku duubni ruux diidanoo ,Beelnimo u duuban.

7. 57.            Dibindaabyadii hore mid  fali ,Weli  dariiqeeda

8. 58.            Mid uun dooni duul wada dhashay, Diradireyntooda

9. 59.            Deegaanka Soomaaliyeed ,Deyr ku kala oodi

  1. 60.            Miyaa ruux damiirliyo, dal jire ,Weli ku doodaaya.
  2. 61.            Federaalku waa daano iyo ,Dabin gumaysaade
  3. 62.            Waa inaan dib loo arag midnimo, Lagu dakayeeye
  4. 63.            Waa inay difaac kala galaan, Deriska deegaane
  5. 64.            Waa inaynu duulaan mar kale, La is duqeeyaaye
  6. 65.            Waa iney dadkuna kala durkaan, Dirir Bilowgeede
  7. 66.            Ninkii dowlad Soomaaliyeed ,Diiday maqalkeeda
  8. 67.            Ee dano qabiil doonayoow ,Daalin baad tahay
  9. 68.            Dersi nimaan ka baran daqaradii ,Gaadhay baad tahaye
    1. 69.            Dood ruux qaboo weli darxumo, Doonayaa tahay

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!