Doorasho ma ka dhici kartaa Soomaaliya 2016? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Doorasho ma ka dhici kartaa Soomaaliya 2016?

Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdullaahi ( Baadiyow)

Su’aasha ugu badan ee goobaha siyaasadda looga doodo maalmahaan waa in doorasho ka dhici karto Somaaliya 2016 iyo ineysan ka dhici karin. In doorasho la qabto waxey ka midtahay Hiigsiga 2016 oo laga doonayo xukuumada iney hirgeliso, in kasta oo dadaal iyo diyaargarow fiican uusan ka muuqan. Dadaal la’aanta iyo ku mashquulsanaanta murano siyaasadeed aan xad laheyn waxey dhalineysaa shaki soo badanaya oo ah in la rabo in waqtiga la dhumiyo, dabadeedna la kororsado ama lasoo celiyo habkii xulitaanka ahaa oo lagu carqaladeynayay awoodda dadweynaha iyo xaqa ay u leeyihiin doorasho xor ah oo xalaal ah.

Si doorasho uga dhacdo Soomaaliya,  waxaa lagama maarmaan ah in ugu horreyntii lagu heshiiyo nooca doorashada munaasabka ku ah Soomaaliya, in dastuurka dib u- eegis lagu sameeyo, sharciyada loo baahanyahay la dhameystiro iyo in la dhiso guddiyada madaxa banaan ee maamulaya doorashada. Waxaa intaas dheer, waa in meel la saaro miisaaniyadda hawlahaas lagu fulinayo. Sidaas markaad u eegto hawlaha horyaalla dawladda iyo tabarta ka muuqata waxaa kuu soo degdegaaya fikirka ah inaan doorasho dhici karin 2016. Laakiin, haddii aan qiblada doorashada loo jeesan, hawsha loo baahanyahay aan la qaban; doorasho ma dheceysaa?!!

Waxaan shaki ku jirin in shacbiga Somaaliyeed doonayaan iney doorasho dhacdo, hadana, intooda badan waxaa maskaxdooda ku jirta doorashooyinkii Somaaliya ka dhici jiray ka hor 1969. Doorashadaas waxey ku saleysneed habka loo yaqaan ” the First-Past-the-Post” oo micnaheedu yahay, doorashadu waxey ka dhaceysaa degmo, waxaana ku guuleysanaya ruxii ugu cod bata. Haddii la rabo in qaabka doorashada noocaan ah uga dhacdo Soomaaliya, waxey u baahantahay in dadka la tira- koobo guud ahaan iyo degmo-degmo; in tirada degmooyinka lagu heshiiyo ( hadda waa la isku khilaafsanyahay); in tirada xildhibaannada loo qaybiyo degmooyinka ayada oo lagu saleynayo tirada dadka ku nool degmo kasta; iyo in hubka dadka laga qaado (waxaa ka dhacaya dagaal sokeeye degmo kasta hadii aan hubka la qaadin).

Afartaas qodob oo laga maarmaanka u ah in laga fikiro qaabka doorashada ku saleysan degmooyinka waa muuqataa inaan laga gaarsiin karin 2016.  Waxaa xataa dhib badnaan doonta in la sameeyo doorasho noocaan ah mustaqbalka dhaw. Cilimibaaris lagu sameeyay qaabkaan doorasho, waxaa lagu dhaliilay in dumarka iyo dadka laga tirada-badanyahay ay yartahay fursadda ay uga midnoqdaan baarlamaanka. Waxaa kale oo nidaam doorasheedka noocaas ah uu kobcinayaa qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta bulshada, waxaa xukunka mar kasta qaadanaya inta xoolaha iyo xoogga leh, iyo inta reerkoodu hal deegaan ku urursanyahay, waxaana kobcaya musuqaasuqa iyo cod-gadashada.

Hadaba,  qaab kale oo doorasho uga dhici karto Soomaaliya oo aan keeneyn dhibaatooyinka aan soo sheegnay ma jiraa? Daraasad ay sameysay Madasha Midnimada iyo Dimoqaraadiyadda (MMD) oo ah isbaheysi ballaaran oo ay ku midoobeen xisbiyo, xildhibaano iyo siyaasiyiin madax banaan oo uu madax u yahay Ra’isulwasaarihii here Cabdiweli Sheikh Axmed waxey soo jeediyeen qaab doorasho ah oo cilmiga siyaasadda loo yaqaanno “P proportional Representation” (PR). Qaabkaanu kuma xirna in dadka tirakoob lagu sameeyo; in xildhibaannada loo qaybiyo degmooyinka iyo in hubka laga qaado dadka. Qaabkaan, waxaa doorashada ku baratamaya xisbiyo, dadkuna waxey kala dooranayaan xisbiyada ayaga oo eegaya barnaamijkooda iyo shaqsiyaadka ka dhex muuqda. Xisbi kasta wuxuu soo bandhigayaa liiska xildhibaannada murashaxa u ah. Qaabkaan waxaa doorashada ka qaybgalaya dadka jooga meel kasta oo nabad ah gudaha iyo dibadda dalka. Waxaa ka qaybgalaya qurbajoogta iyo qaxootiga.  Meeshii doorasho ka dhici weydo saameyn kuma laha natiijada doorashada oo inta codeysa sida xisbiyadu u kala helaan ayeey kuraastka u qaybsanayaan. Tusaale, xisbigii helaa 40% codka shacabka wuxuu qaadanayaa 40% kuraastka xildhibaanada.

Si cod fiican uu uga helo dadweynaha, xisbi kasta waa inuu soo hormariyaa magacyada xildhibaanada uu isleeyahay dadweynaha ayaa cod siin kara. Waa iney ka kala yimaadaan degmooyinka iyo qabaa’ilka kala duwan, waa in dumar badan ku jiraan (waxey leeyihiin 50% codka), waa iney ku jiraan aqoonyahaanno magac weyn leh oo kasban karaa codka shacabka. Xildhibaanadu waxey noqonayaan xildhibaano qaran oo kusoo baxa codka shacabka oo dhan oo aan beeshooda u lug-xirneyn. Waxaa intaas la jirta, waxaa yaraanaya musuqmaasuqa iyo cod gadashada, waxaa yaraanaya miriq-shaaleynta siyaasadeed oo xildhibaan kasta wuxuu ku qasbanyahay inuu dhawro siyaasdadda xisbigiisa, maxaa yeelay haddii xisbiga laga saaro wuxuu weynayaa kursiga.

Doorashada qaabkaan waxey keeneysaa in xukuumadda uu dhiso xisbiga codka ugu badan hela, ama ha isku filnaado ( 50%+1) ama isbaheysi ha la sameysto xisbiyo kale. Sidaas ayaa waxaa imaanaya xukuumad haysata agqlabiyadda baarlamaanka. Xisbiyada kale waxey noqonayaan xisbiyo mucaarad ah oo iska xilsaara toosinta iyo talo-bixinta khaladaadka xisbiga xukunka haya. Sidaas ayaa waxaa loogu tartamayaa mar kasta raaligelinta shacabka iyo ka jawaabidda baahidooda. Haddii doorasho noocaan ah la hirgeliyo shacabka ayaa talinaya, codkooda ayaa awoodda iska leh, meesha waxaa ka baxaaya dalaal iyo malaal, waxaa meesha ka baxaaya in la raalligeliyo dawlado shisheeye, waxaana lagu baratamayaa raaligelinta shacabka.

Inta diidan doorashada dadweynaha waxey lasoo taaganyihiin marmarsiiyo kala duwan oo lagu horjoogsanayo in awoodda dadka lagu wareejiyo, waxeyna rabaan iney Soomaaliya lagu hayo dawlad-xumo iyo ku-tiirsanaan shisheeye.  Waxey dhihidoonaan xisbiyadii weli ma dhismin, waqtigu kuma filna, lacag looma haayo IWM. Jawaabtu waa in la dardargeliyaa doorashada oo habeen iyo maalin laga shaqeeyaa si aan dalkeeyna ugau gudbiyno qabiil wax ku qaybsiga fadhiidka ka dhigay dawladnimadeyena. Maadaama MMD ay soo bandhigtay qaabka doorashada PR, waxaa lagama maarmaan ah in qaab kale oo lala tartansiiyo lasoo bandhigo ama qaabkaan lagu heshiiyo, tilaabooyinka loo baahanyahayna la bilaabo.  MMD waxey rumeysantahy in mustaqbalka Soomaaliya iyo dawladnimadeedu ku xiranyahy sida loo dhaqangeliyo doorasho xor ah oo xalaal ah sanadka 2016. MMD waxey kasoo horjeeddaa afduubka xaqa shacabka iyo qaababka kobcinaya dawlad-xumida, musuqmaasuqa, hanti-boobka, sharci-duminta, waxeyna horseedeysaa midnimada, walaalnimada, wada shaqeynta, dawlad-wanaaga, hufnaanta iyo nidaanmka ku dhisan doorashada. Waa taas wadadii cadeed oo waafaqsan dhaqankeena iyo diinteyna laguna soo celin karo sharafta iyo karaamada dadkeyna iyo dalkeyna.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!