Doorasho Ka Dhaceysa Degmada Xudur & Ammaanka Oo Aad Loo Adkeeyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Doorasho Ka Dhaceysa Degmada Xudur & Ammaanka Oo Aad Loo Adkeeyay

Waxaa maanta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Xudur.

Dadka ku dhaqan Degmada ayaa codkooda dhiibanaya,isla markaana iyaga oo Dooranaya xubnaha ay u arkaan inay Bulshada Degmada Xudur Hoggaaminkarayaan.

Doorashada maanta lagu wado in ay dhacdo ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galan ma’suuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa maanta aad loo adkeeyay iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayan Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!