Doorasho ka dhacday Dhuusamareeb oo ku guuleystay Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud

Read Time:50 Second

Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee NISA ayaa maanta waxaa loo doortay in uu kamid noqdo xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ,kaasi oo buuxiyay kursi kamid ah kuraasta golah shacabka oo banaanaa.

Doorashan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku tartamay labao musharax oo kala ah Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud oo ahaa Agaasimihii hore ee NISA iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Deyniile Xiireey Muxudiin Cumar,balse inta aysan ay bilaaban doorashada ayaa waxaa ka tanaasulay u tartanka doorashada Xiireey Muxudiin Cumar.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa shaacisay in codad lagu ka baxayo,iyadoo la raacayo habraaca doorashada.

Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud ayaa helay codad gaara ilaa iyo 43 Cod halka Xiireey Muxudiin Cumar oo tanaasul sameeyay uu helay 7 Cod,iyadoo uu halaabay 1 Cod.

Doorashada goobta ay ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin kala duwan oo ay qeyb ka yihiin Guddiga doorashooyinka Qaranka Siyaasiyiin ,Madax ka tirsan Galmudug,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dhuusamareeb.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %