Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo Maanta La Soo Gaba Gabeeyay

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirsabeelle lagu soo gaba gabeeyay Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee kamid noqonaya Baarlamaanka dowlada cusub.

Magaalada Jowhar ayaa maanta waxaa lagu soo doortay labo kursi oo kala ah Cabdi Casiis Cismaan iyo Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan sheegay in Wasiir Nuux gabi ahaanba laga joojiyay u Tartanka Aqalka Hoose ee Soomaaliya,inkastoo Maanta uu ku soo baxay Kursigii ugu dambeeyay.