Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo saaka ka dhaceysa magaalada Kismaayo

Read Time:1 Minute, 1 Second

Waxaa goor dhow lagu wadaa in xarunta Caymiska magaalada Kismaayo ka bilaabato doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyadoo afar musharax ay ku tartamayaan doorashadaas.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo horay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u kala diray ayaa dooranaya Madaxweynaha Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa xilligan ku qul qulaya hoolka ay ka dhici doonto doorashada, waxaana ammaanka uu yahay mid aad loo adkeeyay, iyadoo dadka reer Kismaayo ay u dhega-taagayaan doorashada.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa shalay khudbadahooda ku aadan waxqabadkooda hadii la doorto ka hor-jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana musharax walba uu sameeyay balan qaad hadii uu guuleysto.

Afarta Musharax ee u taagan doorashada Madaxweynaha ayaa waxay kala yihiin Axmed Maxamed Islaam, Hilowle Aadan Maxamed, Cismaan Xuseen Xaaji Fayruus, iyo Maxamed Cusmaan Yuusuf.

afarta musharax

Axmed Madoobe ayaa la saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono doorashada, maadaama la sheego inuu wax ka soo dhisay Xildhibaanadii Baarlamaanka ee cabashada ka timid.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa ku tilmaamay doorashadaas mid aan waxba ka jirin oo aan sharciga waafaqsaneyn, maadaama Xildhibaano la diiday sharciyadooda ay wax dooranayaan.

Si kastaba ha ahaatee doorashadan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo xilligii Maamulkii KMG ah ee Jubba uu ku eg yahay dhamaadka bishan, kaasoo ku yimid heshiiskii Addis Ababa.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %