Doorashada Madaxtinimada Galmudug oo dib loo dhigey

Read Time:31 Second

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa ay goordhow  ku dhawaaqeen in Muddo Saddex Cisho ah dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga oo Warbaahinta kula hadlay dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay  in maalinta Axadda ah ee Todobaadka soo socda ay qabsoomi doonto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa khudbadaha laag dhageystay Afar Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha galmudug iyo 5 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Khilaaf ayaa hareeyey doorashada Galmudug,waxaa sidoo kale diidey,hoggaanka Ahlusunna,Madaxweyne xaaf iyo Afar Musharax,kuwaas oo aan weli is diiwaangelin.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %