"Doorashada kuma dhici karto 60-kii maalmood ee lagu heshiiyay" Xildhibaan Zakariye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

“Doorashada kuma dhici karto 60-kii maalmood ee lagu heshiiyay” Xildhibaan Zakariye

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay inaanan doorashada dalka lagu qaban karin muddadii lixdanka maalmood ahayd ee lagu heshiiyay.

“Horta waan idin saxayaayee doorasho maahanee waa xulasho bahashaan. Xulasho qabyaaladeed oo qabiileysan weeye, qabiilkana laguma kala baxo oo soddon sanaa sida awr dabada iyo kan ugu horeeyo leeskugu xiray iskaga daba gaaf-wareegeynay.” Ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Xildhibaanka oo ka qayb qaadanayay Barnaamijka ‘Waxa ay ila tahay’ ayaa tilmaamay inaanay muuqan muddada lagu ballamay in dalka looga qaban karo doorashadaasi.

“Ma muuqato inay hirgelayso, arrintaasina waa arrin lugooyo ku ah dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed, oo dowladnimadiibaa khatar ku jirto.” Ayuu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa yiri “Waxaa laga leexday jidkii saxda ahaa oo ahaa in doorasho qof & coda iyo xisbiyo la aado, iyadoo laga baqayo haddii arrintaasi ay dhacdo, ragga kan hadda dhowrka ahoo ee howshaan wada ee Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada madaxda ka ah in nin walba wixii uu rabay uu ka waayo halkaasi.”

Isagoo hdalkiisa sii wata ayuu yiri “Nidaamkii ay noo sheegeen Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka ee Gudoomiyaha ka tahay Xaliimo Yarey, markii ay hortimid Baarlamaanka sanadkii hore, bishii August waxay tiri waxaa lagu qaban karaa doorasho qof iyo cod ah bisha March. Maanta Baarlamaan iyo Madaxweyne la doortay baa jiri lahaa, haddana ma muuqato inay hirgelayso.”

Marka laga soo taggo hadalka Xildhibaanka dadka u dhuunduleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa waxay qabaan in maalmaha ka harsan lixdankaasi cisho aan dalka looga qaban karin doorashadaasi.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa 27-kii bishii May qalinka ku duugay shan qodob oo heshiiskaasi muhiim u ahaa, waxaadna mooddaa in mid ka mida qodobadaasi uu qaatay dhowr iyo labaatan cisho, waana qodobka tubta xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, oo hadda ay Dowlad Goboleedyada soo dhameystireen xubnihii la bedelay, waxaana harsan afartii qodob ee kale, oo mid kastaana uu waqtigeeda qaadan karo.

Muqdisho-Somalia           

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.