Doorashada Guudmiyaha Wakiilada Punland Oo La Waqtiyeeyey & Musharrax Tanaasulay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Doorashada Guudmiyaha Wakiilada Punland Oo La Waqtiyeeyey & Musharrax Tanaasulay

Muqdisho, Mareeg.com: Goalaha Wakiilada cusub ee Puntland oo maanta yeeshay fadhiga 2-aad ee Kalfadhigoodi 1-aad ayaa isku raacay xilliga la qabanyo doorashada gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

Golaha wakiilada oo uu shir gudoominayey afhayeenka KMG ah ee ay shalay doorteen ayaa isku raacay in maalinta sabtida ah ee 04.01.2014 ay dhacdo doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland iyo kuxigeenadiisa.

Dhanka kale, waxaa la magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taasoo la doonayo in la qabto 8-da Janaayo 2014.

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Golaha Wakiilada Puntland, Cali Axmed Cismaan ayaa magacaabey guddiga doorashada ee Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, kuwaasoo kala ah:

1- Saadiq Abshir Garaad, Guddoomiye
2- Axmed Jaamac Cabdulle, Xubin
3- Eng. Xassan Xaaji Siciid,
4- Maxamuud Faarax Warsame,
5- Cumar Maxamuud Irbad,

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad ayaa sheegey in ay jiraan Xildhibaano badan oo soo gudbiyey codsiyadooda ay ku doonayaan in ay noqdaan Afhayeenka Baarlamaanka.

Golaha Wakiilada Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa la xilka dhaariyey shalay oo aheyd 02/01/2014, waxeyna jirayaan sida la qorsheeyey 2014 – 2019.

Dhanka kale, Maxamed Cali Yuusuf (Gaab) oo kamid ahaa murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe kaga dhawaaqay inuu tanaasulay.

Gaagaab oo horay usoo noqday madaxweyne ku-xigeen, wasiirka maaliyadda iyo xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, wuxuu sheegay inuu u tanaasulay Murashax Cali Xaaji Warsame oo ay isku gobol kasoo jeedaan.

Mar uu maanta magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlayey, wuxuu sheegay in dhallinyaradu ay mudan yihiin in fursad la siiyo “Dhalinyaradu waxay mudan yihiin in fursad la siiyo, sidaas darteed waxan go’aansaday inaan u tanaasulo Murashax Cali Xaaji Warsame” ayuu yiri Gaagaab.

Dhan kale, Murashax Cali Xaaji Warsame ayaa si weyn usoo dhoweeyey tanaasulka uu Murashax Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab isaga u sameeyey. Murashaxiinta kale ee Gaagaab la da’da ah ayuu ugu baaqay inay dhallinyarada fursad siiyaan.

Gaagaab ayaa noqonaya musharraxii ugu horreeyey ee ka tanaasula u tartanka xilka madaxweynaha maamulka Puntland, iyadoo laga yaabo iney jidkiisa maraan musharraxiin kale, maadaama tiradoodu aad u badan tahay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!