Doontii 8-aad oo Berbera geysay qaxooti kasoo cararay coladda dalka Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Doontii 8-aad oo Berbera geysay qaxooti kasoo cararay coladda dalka Yemen

Mareeg.com: Dekedda magaalada Berbera waxaa soo gaaray shalay galab oo jimce aheyd doon  siday qaxooti ka soo cararay dagaallada iyo duqeynta ka socda dalka Yemen mudada bisha iyo dheeraadka ah.

Tiradoodu waxay ahayd 222 qof oo u badan caruur iyo dumar wada Somaali ah marka laga reebo 5 qof oo Ethiopian ahaa sida uu caddeeyay Maareeyaha dekedda Berbera oo ka mid ahaa masuuliyiintii Somaliland ee qaxootiga ku qaabilay dekedda.

Dadka ayaa markii ay kasoo degeen doionta waxey qaarkood fariisteen barxadda sibirka ah ee dekedda daal fara badan oo ka muuqday aawgiisa.

Dadka dib usoo qaxay ayaa labada maalmood ku soo jirayn badda, iyagoo kasoo shiraacday dekedda Mukha ee Yemen, kuna soo xirtay dekedda Berbera.

Qof dumar ah ayaa BBC u sheegtay inay ka soo carartay duqeynta ka socota magaalada Sanca oo sanado badan ay degenadeyd iyadoo horena uga qaxday dagaalladii Muqdisho ee Somaaliya.

Haweyneydaas ayaa sheegtay in xataa dhaawac fududi ka soo gaaray duqeynta diyaarada ee magaalada Sanca.

Wiil dhallinyaro oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu dalka Yemen ka dhiganayey sanadkii ugu dambeeyey ee Jaamacadda Tiknoolijiyada ee Sanca, uuna kasoo cararay.

Doontan oo ahayd doon yar oo ciriri dadku isu dul fuushanaayeen, waxaana dadka qaarkood sheegeen inay mar khatar galeen markii doonta dabaylo ku kaceen oo biyo u soo galeen.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera, Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay in Somaliland qaabileyso dadka ka soo qaxaya dagaalka Yemen oo wixii karaankooda ah ay u qabanayaan kooxo caafimaad siiba Bisha Cas iyo wasaaradda caafimaadka Somaliland oo caruurta talaal siinayay markay ka soo degaan doonta.

Doontani waa tii 8-aad ee soo gaarta dekedda Berbera ee qaxooti Yemen ka soo cararay geysay halkaas, kuwaasoo tiradooda ay ku sheegeen masuuliyiinta Somaliland in ka badan 1500 qof.

Qaxootigan waxaa la dejiyaa xarun loogu talo galay Berbera oo hay’adaha gargaarku maamulaan, kadibna markay dhawr cisho ku nastaan ayaa qof waliba deeegaankiisii uu u socdaalaa.

Maalinta axadda ee berri ah ayaa la filayaa in doon kale oo sidda qaxooti Soomaali ah ay kasoo shiraacato dekeeda Mukalla ee gobolka Xadramuut, iyadoo la filayo iney ku xirato dekedda Boosaaso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More