Doon siday 700 Muhaajir oo ku quustay biyaha Libiya

Read Time:55 Second

Mareeg.com: Afhayeen u hadlay ciidamada Ilaahada Xeebaha Taliyaanihga ayaa sheegay in doon sida 700 oo Muhaajiriin ah ay ku quustay badda u dhaxeya Liibiya iyo Taliyaaniga.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ilaa hadda la badbaadiyey 28 qof kaliya oo ka mid ah dadkii saarnaa doontaas quustay. Weli lama shaacin dhalashada wadamada ay dadkaasi u kala dhasheen.

Howlaha gurmadka ah ee lagu badbaadinayo dadkii doontaas la socday ayaa waxaa ka qeybqaadanaya 20 doonyood, iyo diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga u kaca.

Waregyaska “The Times of Malta” ayaa sheegay in laga cabsi qabo in inta badan dadkii rakaabka ahaa ay dhinteen, iyadoo shilku dhacay kadib kala barkii habeenka sabtida.

Ciidamada badda Malta iyo kuwa Taliyaaniga ayaa ka wada qeyb qaadanaya u gurmashada dadkaas, waxaana ciidamada Malta sheegeen in doontu ku suustay biyaha Liibiya meel ilaa 200 kilometers Koonfur kaga beegaan Jaziiradda Lampedusa ee Taliyaaniga.

Doonta ayaa la sheegay iney gadoontay kadib markii rakaabku dhinac isugu tageen, iyadoo xilligaas markab ganacsi kusoo dhawaaday doontooda.

Todobaadkii hore waxaa baddaas ku dhintay ilaa 400 oo qof oo muhajiriin ah kaddib markii ay degtay doontii ay la socdeen.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.