Doon siday 400 qaxooti ah oo kusoo xiratay Boosaaso

Mareeg.com: Waxaa maanta dekedda magaalada Boosaaso kusoo xiratay doon ka timid dalka Yemen, taasoo siday ilaa 400 ruux qaxooti ah oo u badan Soomaali, kasoo cararay colaadda dalkaas.

Waxaa sidoo kale, ka mid ah dadka doontaas la socday dad u dhashay Sudan iyo Yemen.

Weriye Jacfar Kuukay oo VOA uga soo warrami jiray dalka Yemen oo ka mid ahaa dadkii doontaas la socday ayaa sheegay in dadka la socday doontaas ay iyagu isi soo dabareen oo iska bixiyeen lacagta safarka.

Wuxuu sheegay weriyahaas iney soo mareen socdaal dheer laga soo bilaabo caasimadda Yemen ee Sanaca ee ilaa dekedda Mukalla ee gobolka Xadramuut oo ah halka ay doonta kasoo raaceen.

“Marka laga soo baxo Sanca waxaa la soo marayaa 3 qolo kala duwan oo hubeysan, Sanca ilaa gobolka Ma’rib waxaa jooga Xuuthiyiinta, kadibna waxaa gobolka Ma’rib jooga maleeshiyo beeleed, gobolka Xadramuud oo ay ku jirto dekedda Mukallana waxaa maamulka dagaalyahanada Alqaacidda” ayuu yiri Jacfar oo isagoo ku sugan Boosaaso la hadlay VOA.

Waa doontii labaad ee sida dad kasoo caray coladda Yemen ee timaadda Boosaaso, waxaana maanta halkaas ka shiraacday doon kale oo dekedda Mukalla kasoo qaadi doonta dad qaxooti Soomaali ah.

1-dii bishaan April waxaa dekedda Boosaaso kusoo xiratay doon siday 62 qof oo isugu jiray, rag, dumar, iyo caruur.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245