Doon ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay dalka Cumaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Doon ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay dalka Cumaan

Mareeg.com: Doon ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali ayaa ku gubatay dekkada magaalada Salalah ee dalka Cumaan.

Doontan oo lagu magacaabo Al Yaasiin ayuu dab xoogleh qabsaday xalay saqdhexe sida ay sheegeen saraakiisha dekkada Salalah.

Doontan ayaa xoolo nool oo laga keenay Soomaaliya geysay dekkada gobalka Dhofar ee dalka Cumaan.

Ciidamada dab-damiska iyo kuwa bada ee cumaan oo u gurmaday doontan ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen 15 nin oo ka shaqeenayey doontaasi. Waxaana la sheegay in hada baaritaan lagu wado doontan gubatay.

Dab-damiska ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay inay dabkaasi damiyaan subaxnimadii Arbacada saacadu markay ahayd 6dii aroornimo.

Hanad Askar

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!