Mareeg Media
Somalia

Doodii amniga ee Golaha Shacabka oo maanta la soo gabagabeeyay + Sawirro

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaalada amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Kulanka waxa shir guddoominaayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

150 Xildhibaan ayaa kulanka soo xaadiray, waxaana xildhibaanada ay soo bandhigeen talooyinkooda ku saabsan arrimaha amniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in talooyinkii ay soo gudbiyeen Xildhibaanada loo gudbinayo guddiga amniga iyo guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa labada guddi faray iney la wareegaan oo ay ka soo shaqeeyaan arrimahaan ku saabsan amniga ee Xildhibaanada ay ka doodeen.

“50 Xildhibaan ayaa hadashay, dhamaan fikradahoodii wa la qoray sida waafaqsan qodobka 57-aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee howlaha guddiyada, dhamaan qoraaladii ka soo baxay doodii xildhibaanada waxa ku wareejineynaa guddiga amniga iyo guddiga difaaca si ay golaha ugu soo celiyaan warbixin dhameystiran .” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!