Dooda Mooshinka Ka Dhanka Ah Saacid Oo Dheeraatay & 52 Xildhibaan Oo Aan Weli Hadlin

Read Time:41 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Kulankii baarlamaaanku maalintii labaad manta ka yeeshay mooshin ka dhan ah R/wasaare Saacid iyo xukuumadiida ayaa soo gebageboobay iyado aysan weli hadlin xubno badan oo ka mid ah xildhibaanadii shalay isu qoray iney dooda ka dhiibtaan mooshinka.

Maanta waxaa doodooda jeediyey Ilaa 31 Xildhibaan, iyadoo ay harsan yihiin 52 xildhibaan, oo ka mid ah 83 xildhibaan oo shalay is qoray.

247 xildhibaan ayaa maanta soo xaadiray kualnka baarlamaanka, wuxuuna ahaa mid mararka qaar buuq hareynayey, inkastoo gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari uu xakameynayey.

Xildhibaanada maanta hadlay ayaa isugu jiray kuwa taaageersan R/wasaare Saacid oo isaga difaacayey iyo kuwa kale oo ka horjeeday oo soo jeedinayey in codka kalsoonida lagala laabto.

Maalinta berri ayaa lagu ballamay in la sii ambaqaadodooda, iyadoo aan la ogeyn goorta codka kalsoonida loo qaadi doono R/wasaaraha.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %