Diyaarado sida Dhaawacyada iyo meedadka Ciidamo ka tirsan Amisom Oo muqdisho soo Caga dhigtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarado sida Dhaawacyada iyo meedadka Ciidamo ka tirsan Amisom Oo muqdisho soo Caga dhigtay

Muqdisho ( mareeg news ) Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Qaraxyo loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhiga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka ayaa ku bilowday Qaraxyada laba gaari iyo dagaal toos ah oo ay maleeshiyada al-Shabaab la gashay ciidamada AMISOM ee ku sugnaa Saldhiga.

Gaadiidka qaraxyada loo adeegsaday ayaa kala ah gaari Dyna ah iyo gaari caasi ah oo laba nin oo Shabaab ka tirsan ay wadeen, kadibna waxaa xigay dagaal culus oo halkaasi ka bilowday.

Intaa kadib maleeshiyada al-Shabaab ayaa gudaha u gashay Saldhiga waxaana la xaqiijiyay inay geysteen dilka ciidamo farabadan oo ka tirsan AMISOM.

Maleeshiyada ayaa gudaha Xerada ku gubtay ku dhawaad Shan Gaari nooca dagaalka ah, halka ay goobta ku dishay ciidamo dhan 64.

Galabnimadii maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho, soo gaaray diyaarado Helicopter ah kuwaa oo siyada Meydka iyo dhaawacyada ciidamada AMISOM.

Diyaaradaha oo dhamaa Seddex ayaa waday Meydadka iyo dhaawacyada 78 oo 64 kamid ah ay ahaayen Meydadka ciidamada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka howlgala Garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale, Muxudiin Khaliif Caliyow oo ah ka mid ah mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Buulo Mareer, ayaa sheegay dagaalka inuu ahaa mid culus, balse uu ka horeeyay laba qarax oo waaweyn, kuwaasi oo gaadiid loo adeegsaday.

Dhinaca kale, weerarkaan ayaa kusoo beegmaaya xili ay ciidamada AMISOM isku diyaarinayaan inay ka baxaan Somalia, waxa ayna weeraradaan is xigxiga muujinayaan inaan laga maarmi doonin in wakhtiga loo kordhiyo AMISOM

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!