
Read Time:27 Second
Wararka aan ka heleyno Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Xalay Diyaarado dagaal oo aan weli la aqoonsan halka laga leeyahay ay duqeeyeen Saldhigyo ay Ururka Al Shabaab ku leeyihiin Deegaankaasi.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dhowr Gantaal lagu dhuftay fariisimo Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacday Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaana duqeynta laga maqlay qeybo badan oo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose.