Mareeg Media
Somalia

Diyaarado Dagaal oo weerar ku beegsaday Al Shabaab

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Weerar dhanka cirka ahaa oo Diyaarado Dagaal ay ku beegsadeen Xubno ka mid ah Xoogaga Al Shabaab.

Weeraradan oo ka dhacay Degmooyinka Bu’aale iyo Jilib ayaa lagu soo waramayaa in khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay Xoogaga Al Shabaab.

Saldhigga Bu’aale ee duqeynta lala beegsaday ayaa la sheegay in dhimasho iyo bur bur lagu garsiyay Al Shabaab.

Diyaaradaha ayaa sido kale beegsaday Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in Weerarka lagu dilay ku dhawaad 20 ka mid ahaa Al Shabaab.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab ku aadan Weerarkaasi.

Xoogaga Al Shabaab ayaa weli ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada Dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa dhawaan Weerar kala duwan waxey ka fuliyeen Caasimada Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!