Diyaarado dagaal oo markale duqeeyey hareeraha Jilib

Read Time:48 Second

Jilib – Mareeg.com: Labo diyaaradooda oo nuuca dagaalka ah ayaa maanta mar kale duqeeyay deegaan ku yaalla duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, sidaas waxaa laga soo xoigtay goobjoogayaal.

Duqeynta oo lala bartilmaameedsaday deegaanka Fara-guroow oo 3-km u jira degmada Jilib ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 qof oo lab ka mid ah ahaayeen haween, laba caruur ah iyo nin oday ah, sidaas waxaa sheegay deegaanka.

Deegaanka la duqeeyey ayaa ah dhul beereed aan sidaas uga fogeyn degmada Jilib, waxaana weerarkii labaad ee diyaarado dagaal halkaas ka geystaan muddo 3 maalmood gudahood ah.

“Waxaa la duqeeyay tuulooyin agagaaraha Jilib ah, meelaha duqeynta loo geystay waxaa ka mid ah Daanda, Far-gurow iyo Maanya Gaab, dhamaantood beeraha ku yaala magaalada u dhow yihiin” ayuu yiri nabadoon Maadiyow Yacquub Axmed oo la hadlayey BBC.

Lama oga cidda iska leh diyaaradaha hase ahaatee waxaa loo badinayaa in Kenya leedahay, iyadoo diyaaradihii 18-kii bishaan weeraray Jilib ay lahedy Kenya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.