Diyaarado Dagaal Oo Lagu Arkay Hawada Maamulka Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarado Dagaal Oo Lagu Arkay Hawada Maamulka Somaliland

Waxaa maanta hawada maamulka Soomaaliland lagu arkay diyaarado dagaal joog hoos ku socda oo aan la’ogeen halka la leeyahay.

Wasiirka duulista iyo hawada maamulka Soomaaliland Farxaan Aadan Heybe oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in maalmahaan hawada deegaanada oodweyne iyo bariise oo ka tirsan Gobolka seylac lagu arkayo Diyaarado dagaal oo joog hoos ku socda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay hayaan xog ku aadan Diyaaradaha dagaal ee lagu arkayo hawada Soomaaliland .

Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in ay marnaba aqbaleen diyaaradaha dagaalka ay  ku soo xad gudba hawada maamulka Soomaaliland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!