Diyaarado dagaal oo howlgal ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose
Ciidamada maamulka Jubaland ayaa howlgalo waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalka Jubbada hoose waxaana howlgalkan uu ahaa mid iskugu jira cirka iyo dhulka.
Howlgalka dhinaca cirka ah waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya sidoo kalana waxa jiray howlgalo dhulka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen gobalka Jubada hoose.
Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo waxa ay ka fuliyeen deegaanada kala ah Weel-maroow iyo Suubuu oo ay saldhigyo ku lahayeen dagalamayaasha Alshabaab,waxaana la sheegay in la burburiyay.
Saraakiisha ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwa KJeenya oo ka hadlay duqaynta aya sheegay in howlgalkaan oo guulaystay isla markaana ay khasaaro u gaysteen saldhigyo Shabaabku ay lahayeen.
Comments are closed.