Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay Duleedka Kismaayo
War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar cirka ah oo lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab,ka dib markii weerar ay ku qaadeen Ciidamadda Dowlada Federaalka.
Weerarkan xagga cirka ah ayaa laga fuliyay meel qayaas ahaan 40-KM Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana lagu dilay 9- dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.
Qoraalka ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africom,ayaa lagu sheegay in duqeynta aanay wax khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah,uuna ku kooban yahay Al-Shabaab.
Comments are closed.