Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyey Gobolka Bari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyey Gobolka Bari

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Bari Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn la beegsadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalyahanada Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ku sugan deegaano ka tirsan Maamulka Puntland.

Diyaarado dagaal oo laga leeyahay Mareykanka ayaa la sheegay inay duqeeyeen qeybo ka mid ah Buuraha Isha Gaaca iyo Moqor oo qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weerarkaasi dhinaca cirka ah uu ka dhashay khasaaro kala duwan, balse aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijin karta.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ee ku sugan dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegeen inay ka war hayeen duqeyntaas,isla markaana lagu waxyeeleeyey Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

14-kii Bishii April ee Sanadkaan ayaa duqeyn diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ay ka fuliyene deegaan lagu Magacaabo xiriiro oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa lagu dilay kuxigeenkii hoggaamiyaha Kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xakiin Maxamed Ibraahim oo loo yaqaanay (Dhoqob).

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.