Diyaarado dagaal oo duqeeyey tuulo u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarado dagaal oo duqeeyey tuulo u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko

Mareeg.com: Tuulo u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko oo lagu magacaabo Jilib Marko ayaa maanta waxaa cirka ka weeraray diyaarado dagaal, iyadoo la sheegay in halkaas ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta u sheegay in duqeynta lala bartilmaameedsaday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jilib Marka iyo bar Koontorool oo degaankaasi laga galo.

Ilaa hada ma cada cidda iska leh diyaaradaha duqeynta fuliyay iyo khasaaraha  duqeynta ay geeysatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta geeystay loo malenayo in dowladda Mareykanka ay leedahay.

Tuulada Jilib Marko ku taalla wadada dhanka Xeebta ka gasha Marko ayaa waxaa horay ugu sugnaan jiray ciidamo taabacsan dowladd, balse kadib markii dhor jeer Alshabaab uga soo duuleen keymaha galbeedka ka xiga ayay isaga baxeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!