Diyaarado dagaal oo duqeeyay fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Jilib * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarado dagaal oo duqeeyay fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Jilib

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeeyeen saldhigyo ururka Al-Shabaab uu ku lahaa degaano ka tirsan degmadaasi.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradaha Kenya ay sababtay qasaare baaxad leh oo soo gaaray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo dad rayid ah, inkasta oo aan la soo sheegin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Jilib ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay shalay gantaal ku dhufteen saldhigi booliiska ee degmadaasi oo fariisin u ahaa maleeshiyaadka Shabaab.

Dagaalyahanada Shabaab ayaa la sheegay inay xireen waddooyinka soo gala saldhiga, si an loo arkin qasaaraha ka soo gaaray duqeyntaasi, ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxyeellada ka dhalatay duqeeyntaasi.

Sidoo kale diyaaradaha ayaa lagu soo waramayaa iney isla shalay duqeeyeen saldhig kale oo kooxda Shabaab ku laheyd duleedka magaalada Jilib, waxana dadka ku nool jilib ay sheegeen iney arkayeen qiiq iyo uuro madow oo hawada isku shareeray.

Al-Shabaab ayaa xilligan waxaa soo wajahay culuskii ugu darnaa, kadib markii uu bilowday howlgalka Badweynta Hindiya oo loogala wareegay inta badan magaalooyinkii ay gacanta ku hayeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!