Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Al Shabaab

Read Time:32 Second

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Weerar dhanka cirka oo ahaa Xoogaga Al Shabaab lagula beegsaday Gobolka Gedo ee Galbeedka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa lagu beegsaday Xubno ka mid ah Al Shabaab oo la socday 3 Gaari oo nuuca Dagaalka, kadib markii ay ka soo baxeen Degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay ku sii jeedeen Degaanka Buzaar.

Waxaa ay xaqiiyeen in Weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 13 ka mid ahaa Xoogaga Al Shabaab.

Shalay ayee aheyd markii Mareykanka uu sheegay in Weeraro ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen 12 ka mid ahaa Xoogaga Al Shabaab.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %