Mareeg Media
Somalia

Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Al Shabaab

217

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe.

Duqeynta  ayaa la sheegey in ay ku dhacday saldhig iyo xarumo ay halkaasi ku leeyihiin Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Xarumaha la duqeyay oo  lagu sheegay 2 xarumood ayaa la tilmaamayaa in Dagaalamayaasha Al-shabaab ay halkaasi diyaarinayeen waxyaabaha qaraxyo.

Ila xog ogaal ah ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay u qeybsamihii Al-shabaab ee Gobolka Banaadir, iyadoona intaasi ay wararka ku darayaan in la bur buriyay saanad melateri oo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeymo ka fulinayaan saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!