Muqdisho ( Mareeg)-Wakiilka Midowga Africa u qabilsan arimaha Dalka Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika in Diyaarado Dagaal lagu soo biiranyo bishaan howlgalka AMISOM.
Danjire Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in Diyaaradaasi oo nuucooda ah kuwa qumaatiga u kaca in ay wax badan ka saacidi doonaan howlgalka AMISOM ee lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.
Mr. Madeira ayaa xusay in howlgalka AMISOM uu in muddo ah sugayay helitaanka Diyaaradahaasi.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Francisco Madeira waxuu ku wargeliyay Golaha Amaanka ee Midowga Afrika in heer gaba gabo uu marayo dhismaha Maamul u sameynta Gobolada Dalka Soomaaliya.
Hadalka Danjiraha Midowga Afrika ayaa waxuu u muuqda mid daba socda Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo gaaray Magaalada Jowhar, si ay u dar dargeliyaan Shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh.Dhexe oo cakiran