Diyaarado dagaal iyo Alshabaab oo gentaalo isku weydaarsaday Jilib * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarado dagaal iyo Alshabaab oo gentaalo isku weydaarsaday Jilib

Jilib – Mareeg.com: Duqeyn diyaaradeed ayaa maanta ka dhacday agagaarka degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, halkaasoo Alshabaab maamulkaan.

Diyaaradda duqeynta geystay ayaa loo badinayaa iney leedahay Kenya oo saldgi weyn ku leh magaalada Kismaaayo ee xarrunta Jubada Hoose.

Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa la sheegay in iyagoo ku socda jog hoose ay Alshabaab ku rideen lidka diyaaradaha, taasoo keentay in diyaaraduhu madaafciid tuuraan. Lama oga wax khasaare ah oo ka dhashay duqeynta maanta ka dhacaday degmada Jilib.

Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ee Jubbooyinka ay hawada ka dab xireen diyaardaha Kenya iyagoo adeegsanya qoryaha lidka diyaaradaha sida 37 iyo Zuug.

Afhayeenka ciidanka Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter wuxuu ku xaqiijiyay in diyaaradahooda ay ka dambeeyeen duqaynta ka dhacday duleedka Jilib.

Wuxuu sheegay in diyaaradahooda labo gantaal ay ku garaaceen labo saldhig oo Al-Shabaab ay ku lahayd tuulada Maanyo-gaabo oo 15 km dhinaca waqooyi uga beegan degmada Jilib.

30-10-2011 ayey ahayd markii ciidamada Kenya ay duqeeyeen xero ku taala degmada Jilib oo lagu quudinayay qoysas ay abaaro kasoo barakiciyeen degaanadooda, halkaasoo ay ku dhinteen dad rayid ah oo u badnaa hal qoys.

Magaalada Jilib ayaa waxay 320-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho, halkaas oo saldhig weyn u ah Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!