Mareeg.com: Dacwad oogaha guud ee magaalada Faransiiska ku taalla ee Marseille, ayaa sheegay in duuliyaha labaad ee diyaaraddii ku dhacday buuraha Alps ee dalkaasi, uu si ula kac ah diyaaraddaasi ugu dhuftay buurta.
Dacwad oogaha ayaa sheegay in aanay cadeyn sababta uu duuliyaha Jarmalka ah u riday diyaaradda, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan boqol iyo kontonkii qof ee saarnaa.
Waxa uu intaa ku daray in duuliyaha koowaad ee diyaaradda uu dibadda uga baxay shirka ka hor inta aanay dhicin, isla markaana uu duuliyaha labaad u diiday in uu shirka kusoo laabto.
Duuliyaha labaad ee loo haysto in uu diyaaradda riday ayaa diiday codsiyo isdaba joog ah, oo uga imanayay duuliyaha koowaad iyo waaxda hagidda diyaaraddaha, waxaana la maqlayay isaga oo weli neefsanaya kaddib markii ay diyaaradda dhacday.
Robin ayaa sheegay in macluumaadka laga helay Mashiinka keydiya waxkasta oo diyaaradda ka dhex-dhacaya (Black Box) laga heley codka Duuliyaha kowaad oo qaylinaya codsanayana in uu albaabka ka furo.
Duuliyaha labaad oo magciisa lagu sheegay Andreas Lubitz ayaa ahaa 28 jir u dhashey dalka Jarmalka. Dacwadooge Robin ayaa sheegaya in Duuliyaha labaad uu aamunsaan ku jawaabey waxaase la maqlaayey neeftuurkiisa oo ahaa waxa u danbeeyey ee uu duubey Black Box markii diyaaraddu sii dhacaysey.
Andreas Lubitz ayaa oggolaansha in uu noqdo Duuliye diyaaradeed heley mar aan fogeyn, waxaana shirkadda Lufthansa siisey tababaro duulimaad.
Peter Ruecker oo ka mid ahaa macalimiintiisa ayaa sheegey in uu ahaa nin dhalinyar oo farxad hayso, shaqona ka haystey shirkadda Germenwings.
Booliska dalka Jarmalka ayaa markii warku soo baxay waardiye ka qabtey guriga uu deganaan La-duuliyaha diyaaradda Andreas Lubitz oo ku yaaley magaalada Montabau ee dalka Jarmalka, waxaana ay u diideen qaar kamid ah warbaahinta oo durbadiiba halkaas is geeyey.
Sida muuqata Andreas Lubitz waxa uu ku talo galey in uu nafta iska qaado, laakiin waxa uu sii galaaftey 147 qof oo kale iyo hanti aad u badan.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.