Diyaaradda Turkish Airline oo dib u soo caga dhigatay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaaradda Turkish Airline oo dib u soo caga dhigatay Muqdisho

Muqdisho ( Mareeg)-Waxaa maanta dib u soo caga dhigatay Diyaaradda Turkish Airline oo iyadu joojisay howlihii  duulimaadyada ay ka sameyn jirtay Magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo siday illaa 30 Rakaab ah ayaa soo dagisteeda waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiin dowladda Federaalka ka tirsan oo Madaxweynaha uu ku jiro kuwaas oo kaga hortagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

Diyaaradda ayaa abaaro 8:00Am ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Turkish Airline ayaa joojisay howlaheedii shaqo kadib Qaraxii ka dhacay gudaha Diyaaradda Daalo Airline, oo 1 qof uu ku dhintay 2 kalana ay ku dhaawacmeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.