Diyaaradaha Mareykanka oo duqeyn ka geystay gobolka Shabeellaha Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaaradaha Mareykanka oo duqeyn ka geystay gobolka Shabeellaha Hoose

Mareeg.com: Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dalka Mareykanka ayaa xalay weeraro duqeyn ah ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney maqleen ilaa dhor gentaal oo ku dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo u dhaxeeya Dhaaytubako iyo Sablaale.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siiddii) ayaa VOA u sheegay in duqeyni ay ka dhacday meel u dhexeysa deegaanada Dhaay tubaako, Hawaay iyo Saablaale, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday saraakiisha sar-sare ee ururka Alshabab oo uu Axmed Godane ama Abuu Zubeyr ku jiro.

Siidii ayaa dhiniciisa sheegay in duqeyntaasi ay ahayd mid lagu bartilmaameedsaday saraakiisha sar-sare ee ururuka Al-shabaab oo deegaankaasi ku shirayay. Ilaa iyo hadda lama oga nuuca duqeynta iyo khasaaraha weerarkaasi ka dhashay.

Waxaa uu sheegay Siidii in weerarka kaddib ay Al-Shabaab “dileen amaba xireen” dadkii telefoonnada gacanta haystay ee aaggaasi ku sugnaa. Ilaa haatan wax war ah kama soo bixin ururka Al-Shabaab.

Wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen ururka Al-Shabaab oo haatan ay qiimeynayaan khasaaraha uu gaystay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Maraykanka, John Kirby, ayaa sheegay inay faafaahinta soo bandhigi doonaan xilli dambe.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka socda dagaalka loogu magic daray “Badweynta Hindiya”, waxaana Alshabaab laga saaray deegaanka Buulo Mareeer iyo degtmada Kurtuwaarrey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!