Diyaaradaha & madaafiicda goobta Kenya oo duqeyn xoog leh ka geystay Gedo
Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradada dagaalka iyo madaafiicda Kenay ayaa saaka duqeyn xoog leh la beegsadeen tuulooyin hoos yimaada degmada Bald-xaawo.
Duqeyntaan oo bilaabatay qiyaastii 11-kii subaxnimo ee saaka, ayaa soo gaartay ilaa barqadii maanta, waxaana deegaanada la duqeeyeydad xoola dhaqato u badan.
Tuulooyinka duqeynta ku socoto ayaa ku dhaw degmada Baladxaawo, lamana xaqiijin karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.
Dhinaca kale duqyntaan dhanka cirka ah waxaa barbarsocota duqeyn xagga dhulka ah oo ciidamada Kenya ka geysanayaan halkaasi, iyadoo sababta ka dambeysa tani aan la ogeyn.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halka duqeymaha ka socdaan ayaa sheegay in dadkii deganaa Tuulooyinka la duqeynayo ay naftooda la baxsadeen, islamarkaana ay gaareen deegaanada kale ee nabdoon.
Comments are closed.