Diyaaradaha Kenya oo duqeymo ka fuliyay Gedo+SAWIRO
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Weerar dhanka cirka ahaa oo Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay ka fukuyeen Degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 3 Ruux oo ka mid ah Dadka Degaanka, sida ay xaqiijiyeen Dadka Degaanka.
Wararka ayaa sheegaya in Caruur ay ka mid ahaayeen dadkii ku waxyeeloobay Duqeyntii ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kenya.
Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Gedo oo ku aadan Weerarkii Diyaaradaha Kenya ay ka fuliyeen Degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.
Comments are closed.