Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shalay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen 4 deegaan oo ka baxsan magaalada Kismaayo ee xarrunta Jubada Hoose.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee JUBA, C/naasir Seeraar ayaa u sheegay Radio ku hadla afka maamulkaas in la duqeeyey 4 goobood oo uu sheegay in la ogaaday in Alshabaab ku sugnaayeen.
“Afar meelood ayaa la duqeeyey, kuwaasoo Alshabaab dagaallo kasoo abaabulayeen, waxaana lagu gubay gaadiid ay leeyihiin” ayuu yiri Seeraar.
Sida uu sheegay C/naasir Seeraar, deegaanada la duweeyey waxaa ka mid ah: Birta Dheer, Janaay Cabdalla, meelo ku dhow tuulada Kudhaa iyo deegaano kale.
Ciidamada maamulka Juba iyo kuwa Kenya ayaa dhawaan la wareegay deegaanka Kudhaa oo ilaa 90 KM dhanka koonfur galbeed kaga beegan Kismaayo.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.