Diyaaradaha dagaalka Iran oo duqeeyey xarumaha ISIS ee Ciraaq

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegay in diuaaradaha dagaalka dalka Iran ay weerar cirka ah ku qaadeen saldhigyo ururka Daacish ama ISIS ku leeyahay Ciraaq.

Waaxda difaaca ee Mareykanka ayaanan diidin wararka sheegaya in Iiraan ay weeraro cir ka ah ay ka fulisay bariga dalka Ciraaq, kuwaas oo ay ku bartilmaameedsatay dagaalyahaniinta Daacish.

Warbaahinta qaar ayaa weriyay in diyaaradaha dagaalka ee F4 ee Iiraan ay duqeeyeen goobo ay kooxda IS kaga sugnaayeen bariga dalka Ciraaq, gaar ahaan gobolka Diyaala,

Iyagoo xaqiijinaayay wararkan, afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo, Rear Admiral John Kirby, waxa uu sheegay inuu arkay, aysanna jirin calaamad ama sabab lagu rumeysanayo inaysan waxba ka jirin.

Balse, waxa uu tilmaamay in Iiran ay quseyso ka hadalka hogalkeeda militariga.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa sii wado duqeymaha uu ku hayo goobaha ay Daacish kaga sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Admiral Kirby ayaa carabka ku adkeeyay, in Mareykanka uusan arrintan kala shaqeyneynin Iiran, uusanna la shaqeyndoonin, waxa uuna qiray in hawada ciraaq ay dowladda Ciraaq maamusho.

Mareykanka iyo Iran ayaa labaduba col weyn u haya Kooxda ISIS ee Suuriya iyo Ciraaq, hase ahaatee labada dal ayaa waxaa u dhaxeeya col dhexdooda ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245