Read Time:24 Second
Shirkada Diyaaradaha ee laga leeyahay dalka Jabuuti ee Jabuuti Airlines ayaa maanta soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho muddo 25 sano ka dib ah.
Diyaaradda ayaa duullimaadyo toos ah waxa ay ka bilowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, waxaana la sheegay in ay ka mid noqon doono duulimaadyada Caalamiga ee ka shaqeyn doono Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Jabuuti Airlines ayaa ka mid aheyd Diyaaradaha sababo dhanka amniga ah ugu baaqsaday in ay yimaadaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.