Diyaarada Air Asia oo isaga kala goosheysay Indonesia iyo Singapore oo la waayey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarada Air Asia oo isaga kala goosheysay Indonesia iyo Singapore oo la waayey

Mareeg.com: Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Air Asia oo isaga kala goosheysay dalalka Indonesia iyo Singapore ayaa la waayey.

Dayuurada waxaa la rumaysan yahay inay saarnaayeen dad gaaraya 162 qof. Qoysaska iyo asaxaabta rakaabkii saarnaa duullimaadka Qz8501, waxaa loo qaaday meel gaar ah oo lagu hayo meel ka mid ah garoonka dayuuradaha ee Changi ee dalka Singapore, oo laga xiray warbaahintu inay gasho.

Saraakiisha garoonka dayuuraduhu waxay sheegeen in dadka ehelada ah si joogto ah looga warramayo hadba wixii ka soo kordha baaritaanka lagu hayo dayuuradda maqan.

Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in saraakiil ka socota sharikadda Air Asia aanay weli la kulmin cid ka mid ah ehelada joogta garoonka Singapore.

Dayuuradda sharikadda Air Asia waxaa la filayay inay ku degto dalka Singapore saacaddu markay ahayd 8:30 subaxnimo, hase yeeshee waxay u muuqataa in markii ay hawada ku jirtay abbaaraha muddo 42 daqiiqo ah ay lumisay xiriirkii ay la lahayd maamulayaasha gaadiidka hawada kala haga ee magaalada Jakarta.

Waxay sameynaysay duullimaad u dhexeeya magaalada Surabaya ee dalka Indonesia iyo dalka Singapore iyadoo ay saarnaayeen 155 rakaab ah, 2 duuliye iyo 5 qof oo shaqaalaha dayuuradda ah.

Air Asia waxay sheegtay in duuliyuhu uu weydiistay inuu khadka caadiga ah ka leexdo hawada oo xumayd awgeed.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaadiidka ee dalka Indonesia, waxaa uu sheegay in loo maleynayo in dayuuraddu ay maraysay meel u dhexaysa Jasiiradda Belitung ee ka baxsan xeebta Sumatra iyo Kalimantan, markii ay lumisay xiriirka xagga dhulka ee ay la sameynaysay maamulayaasha dayuuradaha kala haga.

Air Asia ayaa ah diyaarad aad u jaban, hase ahaatee ammaankeeda uu wanaagsan yahay, waxaana ay xarunteeda ku taalaa dalka Malaysia, waligood diyaarad kama bur burin ama ma lumin.

Sanadkan sii dhamaanaya ee 2014 waxaa qaarada Aasiya ay tahay sanad madow, kadib markii 2jeer ay bur bureen diyaarad laga leeyahay Malaysia oo kala ahaa MH370 oo ka soo duushay bishii March ee sanadkan, kuna sii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxaana saarnaa 239, taasoo ilaa iyo hada lagu la’yahay badweynta Hindiya.

Sidoo kale diyaarada Malaysia Airline ee MH17 ayaa iyana lagu soo riday iyadoo mareysay hawada Ukraine bishii July ee sanadkan waxaana ku dhintay 298 ruux.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!