Diyaarad Wada Maxaabiis Soomaaliyeed Oo Maanta Kasoo Degaysa Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarad Wada Maxaabiis Soomaaliyeed Oo Maanta Kasoo Degaysa Muqdisho

In kabadan 100 Maxaabiis Soomaaliyeed oo dhawaan dowlada Itoobiya ay ku wareejisay dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa  lafilayaa in la soo gaarsiyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde waxaana haatan socota qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta Maxaabiistaasi.

Maxaabiista dowlada Itoobiya ay ku wareejisay dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaro in muddo ah ku xirnaa Xabsiyada ku yaalla gudaha Dalka Itoobiya iyadoona ay timid siideynta Maxaabiistaan kadib  markii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre dhawaan uu tahay Dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda dalka Itoobiya ayaa kawada hadlay sidii Maxaabiistaasi loogu soo wareejin lahaa dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo lafilaayo in Saacadaha soo socda la soo gaarsiyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!