Diyaarad u kireysan Qaramada Midoobay oo lagu weeraray Soomaaliya

Muqdisho: Mareeg.com: Diyaarad ay leedahay Qaramaday, ahna nuuca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter ayaa lagu weeraray gudaha Soomaaliya xilli ay sameyneysa dulimaad gudah ah, sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka dalka Ruushkha ee Interfax.

Sida ay leeadahay wakaaladda wararka Interfax, Al-Shabaab ayaa gantaal ku weeraray diyaarad Helicopter ah oo laga leeyahay dalka Ruushka balse u kireysan Hay’ada Qaramada Midoobay, qeybteeda ka howlgasha Soomaaliya.

Diyaarada la weeraray ayaa lagu sheegay nuuceedu in uu ahaa Mil Mi-8, waxaana Interfax ku warantay in waxyeelo aan sidaa u badneen ay kaso gaartay gantaalka lagu weeraray.

Weerarka lagu qaaday diyaaradan UN-ka u kireysan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel ka mid ah gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya. Lama sheegin waqtiga weerarkaasi dhacay.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa inta badan gobollada dalka ugu safra diyaarado Helicoptero ah, kuwaasoo wata astaanta Qaramada Midoobay, waxaana horay Alshabaab u sheegeen iney isku dayeen iney weeraraan diyaaradahaas.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245