Diyaarad siday Sirdoonka Emiraatka Carabta  iyo wasiiro Puntland ah oo la hor-istaagay

Read Time:1 Minute, 9 Second

Wararka ka imanaya magaala xeebeeedka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi maanta laga hor istaagay diyaarad sidda wefti ka socday dalka Imaaraadka Carabta.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka deegaanka oo is abaabuley ay qabsadeen Garoonka diyaaraha isla markaasna diiddeen diyaaradda sidday weftiga Imaaraadka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland oo doonayay iney halkaas gaaraan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ujeedka sodaalka weftiga Imaaraadka.

Booqashada wafdigaan oo la sheegay inuu ka dambeeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa la faray maamulkq Jariiban iyo Shirkada mashruuca Garacad inay soo dhoweeyaan oo lasoo mariyo dhul xeebeedka iyo agagaarka Garacad.

Dadka deegaanku waxa kale oo ay sheegayaan in ay saaka magaalada ku arkeen ciidamo badan oo kuwa Badda Puntland ah.

Garacad waxay leedahay garoon yar (airstrip) oo diyaaradaha yaryar ka degi karaan.  Garoonka saaka waxaa la wareegay ciidan Deegaanka ah oo ka shakisan ujeedada wafdigaan ajnabiga ah ee aan wax xiriir ah la lahayn soomaalida deegaankaas.

Majiro war ka soo baxay weli dhinaca dowladda oo arrintan la xidhiidha.

Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta ayaan xiriirkooda wanaasganeyn iyadoo Imaaradka uu kamid yahay dowladaha lagu xanto in uu farogelin weyn ku hayo siyaasadda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdigan ay ahaayeen sirdoon katirsan kuwa Imaaradka Carabta.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan waxey tahay “Waa maxay ujeedada booqashada Emiraatka ee Garacad xilli ay siyaasada Soomaaliya cakirantahay?

 

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.