Diyaarad siday madaxweynaha Kenya oo geli weysay dalka Imaraadka Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarad siday madaxweynaha Kenya oo geli weysay dalka Imaraadka Carabta

Mareeg.com: Diyaarad siday madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa lagu qasbay iney dib ugu laabato dalka Kenya, kadib markii ay gaari weyday dalka Imaaraadka Carabta shalay subax oo jimce aheyd.

Diyaaradda sidday Uhuru Kenyatta ayaa shalay 11:42 daqiiqo dib ugu laabatay garoonka Jomo Kenyatta kadib markii ay caqabad ku noqdeen howlgalka milateri ee ka dhanka Xuuthiyiinta dalka Yemen, sidaas waxaa sheegay afhayeenka madaxooyada Kenya, Manoah Esipisu.

Uhuru Kenyatta oo habeen ka hore ka duulay Naitobi ayaa doonayey inuu gaaro magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, si uga sii gubdo dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Los Angles

Madaxweynaha Kenya ayaa raba inuu dalka Mareykanka uga qeybgelayo kulan caalami ah oo looga hadlayo dhaqaalaha Mareykanka, isagoo khudbad ku qoran 25-ka bishaan April ee 2015

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!