Categories
Af Soomaali Africa Somalia

Diyaarad sida Dawooyin & dhaqaatiir oo soo gaartay Muqdisho

Diyaarad ay soo dirtay dowladda Qatar oo qaadeysa qaar ka mid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin xubnaha guddiga Qaran ee gurmadka.

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa ku sugan xubno uu kamid yahay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya,waxaana dadka ku dhaawacmay qarixii muqdisho ee aad u liita la isugu geeyey Isbitaalka Digfeer si halkaasi looga qaado.

Shalay ayaa waxaa dowladda Turkiga ay Magaalada Muqdisho ka qaaday wajiga 1aad dhaawacyada 16 ruux iyo meydadka laba u dhalatay dalka turkiga,kuwaas oo kamid ahaa dadkii ku waxyeelbey qarixii ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho.

By Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga